Ku soo dhawoow mareegtan

Mareegtani waxay badi ku qorantahay afka swiidhishka , laakiin qaybo ka mid ahi waxay ku qoran yihiin af-soomaali.

Qormadan afsoomaaliga ku qorani waxa ay ka waramaysaa doorashada dhacaysa bisha september. Haddii aad rabto in aad akhrido qormadan halkan riix.

Qorma kale waxa ay ku saabsan tahay baraamijkayga doorashada oo kooban. Haddii aad rabto in aad akhrido qormadan halkan riix.

Qormada saddexaad waxa ay ka waramaysaa siddii aad shakhsiyan u tageeri lahayd baraamijkayga doorshada. Haddii aad rabto in aad akhrido qormadan halkan riix.

Haddii aad qabto wax su’aalo ah, ra’yi ama fikrado waad ila soo xidhiidhi kartaa.
Guriga 090-143250 Moobiil: 070-6900165 E-mail: jabar.amin@mp.se



Warbixin ku saabsan doorashada


Waxa dalka Sweden ka dhacaysa doorasho maalinta ay taariikhdu tahay 17 september 2006. Laakiin haddii aanad kari karahayn ama aanad rabin in aad sugto 17-ka septmber waxaad codayn kartaa xilligaas ka hor. Laga bilaabo 30-ka augusti ilaa 17-ka september waxaad ka codayn kartaa meela gaar ah oo loogu talagalay.

Maktabadaha qaarkood, kassaservice iyo xafiisyada boosta ayaad ka codayn kartaa laga bilaabo 30-ka augusti.

Doorashadan waxa lagu dooranayaa xildhibaanada saddex gole oo siyaasadeed:

- Baarlamanka Sweden (Sveriges riksdag)
- Golaha caafimaadka ee gobolka (Landstingsfullmäktige)
- Golaha deegaanka (Kommunfullmäktige)

Dhamaan dadka qaangaadhka ah ee dhalashada dalka Sweden haystaa way u codaynkaraan saddexda doorashaba. Qofka aan haysan dhalashada Sweden , laakiin degenaa dalka Sweden muddo saddex sano ah , wuxuu u codaynkaraa Golaha caafimaadka ee gobolka iyo Golaha deegaanka. Qofka haysta dhalasho midowga yurub ah uma baahna in uu Sweden deganaa saddex sano si uu u codeeyo, waxaa ku filan in uu Sweden ka diiwaangashan yahay.

Haddii aad tahay bukaan ama qof da’weyn oo aan tegi karahayn goobta doorashada ama goobta codaynta waxa kuu codayn kara qof kale oo adiga ku matala ,qof wakiil ah.

Haddii aad ku xidhan tahay saldhig boolis ama xabsi waxaad ku codayn kartaa habkaa wakiilnimada. Si uu qofku ugu codeeyo habkaas wakiilnimada waxa uu u baahan yahay qalab ama alaab gaar ah , waxaanu qalabkaas ka dalbankaraa hay’ada doorashada ama degmada.

Si aad u codayso waa in aad sidataa kaadhka codaynta. Kaadhka codaynta waxa loo soo dirayaa qofkasta oo xaq u leh in uu codeeyo dhamaadka bisha augusti. Haddii aan laguu soo dirin kaadhka codaynta waxaad waceysaa hay’ada doorashada (08-635 69 00) si aad u hesho kaadhkaas.

Doorashada waxa ka qeybgalaya xisbiyo badan. Xisbi kastaa waxa uu leeyahay liis doorasho, liiskaas waxa ku qoran dhamaan murashaxiinta xisbiga. Murashaxkasta waxa u banaan in uu sameeyo kaambayn ama xamlad isaga u gaar ah. Murashaxa ku guulaysta inuu helo ( iyada oo magaciisa loo xariiqay) ugu yaraan boqolkiiba sideed 8% cododka xisbiguusu uu guud ahaan ka helay doorashada baarlamanka , waxa uu xagga ugu horeysa ka gelayaa liiska xisbigiisa, sidaa awgeedna waxuu fursad u yeelanayaa in uu baarlamanka galo haddii xisbigiisu boos ka helo baarlamanka. Doorashooyinka Golaha caafimaadka ee gobolka iyo Golaha deegaanka waxa murashaxa ku filan in uu helo boqolkiiba shan 5%.

Anigu (Jabar Amin) waxaan ka mid ahay murashaxiinta u taagan doorashada baarlamanka, waxana aan ku jiraa liiska doorashada ee xisbiga Miljöpartiet , lambarka 3 ayaanan ku jiraa. Waxaan u shaqaynaa wadajirka, cadaalada, bii’ad fiican iyo mujtamac hagaagsan. Waxaan ka soo horjeedaa kala-sooca iyo cunsuriyada. Haddii aad rabto in aad ogaato waxyaalaha aan rabo in aan ka shaqeeyo riix lifaaqan bidixda , Mitt valmanifest.

Waxaan rajaynayaa in aan helo kalsoonidaada. Waxaan rajaynayaa in aad laanqayr (X) ku dhigtid afargeeska magacayga hortiisa ku yaala !






Haddii aan helo taageeradaada, haddii aan galo baarlamanka, waxaan rabaa in aan ka shaqeeyo siddii loo heli lahaa bulsho leh wadjir , cadaalad iyo bii’ad fiican.

Arimaha aan ka shaqaydoono waxa ka mid ah kuwan hoos ku qoran:

Waxaan ka shaqayndoonaa sidii loo gaadhi lahaa caalam wadajir ah kana soo horjeeda cadaadinta – iyo sidii loo kordhin lahaa kaalmada dhaqaale ee dibada.

Waxaan ka shaqayndoonaa sidii loo joojin lahaa takoorka iyo cunsuriyada , iyo sidii loo gaadhi lahaa bulsho is-dhex-gal leh.

Waxaan ka shaqeydoona sidii loo yarayn lahaa shaqola’aanta.

Waxaan ka shaqayndoonaa sidii loo wanaajinlahaa xaalada ardayda.

Waxaan ka shaqayndoonaa sidii loo wanaajin lahaa waxbarashada caruurteena.

Waxaan ka shaqayndoonaa sidii loo wanaajin lahaa xaalada haweenka ee bulshada.

Waxaan ka shaqayndoonaa sidii dadweynaha loo siin lahaa awood ay horumarka bulshada kaga qayb qaataan.

Waxaan ka shaqayndoonaa sidii loo gaadhi lahaa cadaalad bulsho.

Waxaan ka shaqayndoonaa sidii loo wanaajin lahaa bii’ada.

Waxaan ka shaqayndoonaa sidii maya loo odhan lahaa qorshaha distoorka midowga yurub.






Sidan ayaad u taageeri kartaa doorashadayda gaarka ah


Waxaan u baahanahay taageeradaada iyo kalsoonidaada. Dhawr siyood oo kala duwan ayaad u tageeri kartaa doorashadayda:

1    Waxaaad igu taageeri kartaa in aad ii codayso oo aad laanqayr ku dhigto (X) afargeeska ku horyaala magacayga , magacaygu wuxuu ku yaalaa liiska doorashada baarlamanka ee xisbiga Miljöpartiet.
2 Waxaad igu taageeri kartaa in aad ku qanciso xubnaha qoyskaaga iyo dadka aad taqaano in ay ii codeeyaan och magacayga laanqayr ku hor dhigaan.
3 Waxaad igu taageeri kartaa in aad ku qanciso deriskaaga , dadka aad wada shaqaysaan iyo dadka aad isku ururka tihiin in ay ii codeeyaan och magacayga laanqayr ku hor dhigaan.
4 Waxaad igu taageeri kartaa in aad ka qaybqaadato oo aad igala shaqayso kaambaynka ama xamladayda doorashada, tusaale ahaan waxaad igu caawin kartaa in aad magaalada isla kay taagto oo ila qaybiso qalabka aan qaybinayo.
5 Waxaad igu taageeri kartaa in aad igu soo kordhiso ra’yi iyo fikrad wixii la samayn lahaa.
Waxaan ku weydiinayaa in aad ka mid noqonkarto dadka ka shaqaynaya baraamijkayga doorashada oo aad i caawiso? Aad iyo aad ayaan ugu farxi lahaa haddii aad kari karto. I soo wac haddii aad awoodo, ama e-mail ii soo dir.

Telefon: 090-143250 hem
Mobil: 070-6900165
Mail: jabar.amin@mp.se