Salaama calaykum saaxiibayaal!
Aniga magacaygu waa Jabar Amin, oo waxan ahay xubin u fadhida baarlamaanka xisbiga deggaanka (Miljöpartiet).
Dhowaan waxa dhici doonta doorashadii baarlamaanka.Waxanan u tartamayaa in aan boos ka helo baarlamaanka.magacayga waxaad ka helaysaa lambarka 1-aad ee liiska doorasha xisbiga deggaanka.
Laga bilaabo 27 Agoosto ilaa 14 september waad codayn kartaa.
Si aad u codayso waa in aad sidataa kaadhka codeynta.
Haddii aanad helin ugu dambayn 27 agoosti kaadhka codeynta , wac 020-825825 si aad u dalbato kaadh cusub.
Waxaad ka codeyn kartaa maktabada, dhakhtarka iyo meelo kaleba.
Waxaan u shaqeeyaa sidii loo wanaajin lahaa cimilada. Iskuuladana waxan rabaa in aan si aad ah wax uga qabto. Waxaan ka soo horjeedaa cunsuriyada. Waxaan kale oo ka shaqeeyaa taageerada dadyowga la cadaadiyo ee aduunka oo dhan.
Waxaan rajaynayaa in aan helo taageeradaada. Waxaan kale oo kaa sugayaa in aad ku dhiirigeliso saaxiibadaa iyo dadka aad taqaan in ay taageeraan tartankayga.
Haddii aad rabto in aad i taageerto xariiq khaanada aad ku aragto magacayga hortiisa.